Sign in to follow this  
General Duke

Reports of new clahses..

Recommended Posts

Dagaal kharaar oo dib uga soo cusboonaaday aagagga Buur-Hakaba iyo Diinsoor oo saacad ka hor qarxay

 

Baydhabo 22-12-06

Dagaal aad u kharaar ayaa hadda dib uga biloowday agaggii shalay ay ku hardameen xoogagga Dawladda FKS iyo kuwa Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho,ayadoo maydkii shalay weli horan yihiin aagaggaas.

 

 

Wararka naga soo gaaraya xarunta dawladda FKS ee Baydhabo ayaa noo xaqiijiyey in hadda uu ka socdo dagaal aad u kharaar oo la isku adeeg sanayo hub nooc-yadiisa culus,agagaarka Buur-Hakaba,ayadoo maydkii dagaalkii hore ee shalay uu waran yahay dhammaan aagaas.

 

Sidoo kale waxaan helay in dagaal kale ka biloowday aagga Diinsoor inkastoo uu ka khafiifsan yahay kan Buur-Hakaba,sidoo kale dhaqdhaqaaq cusub ee abaabul dagaal ayaa ka socda degeenada Bandiiradleey, Caabud-Waaq iyo Hiiraan,ayadoo kulankii deg-degga ahaa ee saaka ay galeen golaha wasiiradda ee DFKS si ballaaran uga munaaqishoodeen difaaca guud ee dalka.

 

 

 

 

Weli ma hayno xaqiiqda khasaaraha dagaalada shalay iyo maanta ayadoo labada dhanba sheeganayaan guulo milatari,hase ahaatee waxaad moodaa in ciidamada Maxkamadaha Muqdisho ee aaga Buur-Hakaba ay jug culs ku dhacday,sida ay noo xaqiijiyeen dad ka madax bannaan labada dhanba.

 

Siidoow Ali

Olol News

Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Ugu Qaraaraa Oo Xalay Markale Ka Dhacay Aagaga Idaale & Diinsoor (Dhawaqa Madaafiicda Oo Wali Socota).

Posted to the Web Dec 23, 01:50

 

BAYDHABO – Dagaal aad u qaraar ayaa xalay markale ka dhacay Degmada Diinsoor ilaa Deegaanka Idaale, halkaasi oo uu afartii maalmood ee ugu dambaysay uu sida daran uga soconayey dagaalka u dhaxeeya Dowladda KMG ee Soomaaliya oo gacan ka helaysa Ethiopia iyo Ciidamada Golaha Maxaakimta Islaamiga.

 

Dhawaqa madaafiicda calculus iyo rasaasta sida daran-dooriga u dhacda ayaa xalay la isku garaacayey, iyadoona ay ilo-wareed ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ay xaqiijinayaan in Tangiyada Ethiopia ay si aad ah uga qeybqaadanayeen dagaalka.

Inkastoo si goos goos ah uu wali ku socdo dagaalka, ayaa wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in maanta markale la filan karo inuu sii xoogeysto, iyadoona labada dhinacba ay isku hub urursanayaan.

 

Dagaalkii shalay ilaa xalay ka dhacayey Diinsoor, ayaa ahaa kii ugu xoogganaa oo 4tii maalmood ee dagaalku uu socday halkaasi ka dhaca, iyadoona ay si toos ah uga qeybqaadanayeen ciidamo lagu sheegay Ethiopian iyo kuwa Dowladda KMG oo wada socda adeeg sanayana madaafiic aad u culculus.

 

Ma cadda khasaaraha labada dhinacda kala gaaray, waxaase wali jira guulo si gooni gooni ah ay labada dhinacba u kala sheeganayaan.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this