Deeq A. Posted November 15, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay doorashadii ka dhacday Somaliland, taasi oo ay sheegtay inay si dhow ula socoto. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu bogaadiyay hannaanka dimuqraadiga iyo amnigaba leh ee shacabka gobolada Waqooyi ee Soomaliland codkooda u dhibteen. “Wasaaradd arrimaha guddaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo si dhow ula socota doorashooyinka madaxtinimo iyo tan xisbiyada ee maamulka Somaliland waxay ugu hambalyeyneysaa xasilloonida iyo jawiga nabdoon ee ay doorashadu kusoo gaba-gabowday,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Wasaaradda ayaa si gaar ah waxay ugu bogaadiyay hay’addaha amniga sida ay u sugeen amniga intii ay socotay doorashada, iyadoo Komishanka doorashooyinka Somaliland ku ammaanay hanaankii uu u maamulay ololihii iyo doorashadii dhacday Arbacadii. “Habsami u socofka sooyaalka doorashooyinka soo dhamaaday sida; hanaanka diiwaan-gelinta, ololaha doorashada, cod-bixinta iyo farriimaha kalsooni-gelinta ah ee guddiga doorashooyinka dhamaan tallaabooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo ay ka muuqdeen waayo-aragnimo, isu dulqaadasho iyo biseyl siyaasadeed.” Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay baahinta dimuqraadiyadeynta dalka, awood siinta shacabka iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo horseeda horumar iyo barwaaqo. Doorashooyinka Arbacadii ka qabsoomay Somaliland ayaa ku dhacay hanaan nabad-gelyo, ayadoo goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada korjoogteynayay ay dhankooda sheegeen inay u dhaceen hanaan cadaalad ah oo hufan. The post DF oo war cusub kasoo saartay doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites