Sign in to follow this  
ANWAR

Maamulka G/Banaadir oo howlgal ammaan sugid ah ka fuliyay Mogadishu

Recommended Posts

ANWAR   

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 31/03/07

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta fuliyay howlgalkii ugu ballaarnaa oo lagu sugayo nabadgelyada, waxaana madax ka tirsan maamulka G/Banaadir oo saakay kormeero ku sameeyay 18-saldhig oo ku yaala magaalada Muqdisho ay ku xaqiijiyeen xaalada nabadgelyo ee ka jirta 8-degmo oo ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Ku xigeenka duqa magaalada dhinaca arrimaha Bulshada isla markaana ah ku simaha ku xigeenka dhinaca ammaanka ee duqa magaalada Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo hor kacayay ciidamo Boolis ah ayaa saakay howlgal ballaaran ka sameeyay gobolka Banaadir qeybo ka mid ah, waxaana Md. Dhagaxtuur oo Warbaahinta uga hadlayay ujeeddooyinka howlgalkooda iyo waxyaabihii dhaliyay ayaa yiri: "Howlgalkeena wuxuu ahaa mid ku wajahan dhinaca nabadgelyada, maadaama ay magaalada Muqdisho dadka ku nool ay la soo derseen barakac dagaalada awgood" ayuu yiri Md. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.

 

Waxa uu sheegay inay dagaal ba'an kula jiraan kooxaha burcadda ah ee falalka dhaca ah kula kacaya dadka rayidka ah, isagoo tilmaamay in howlgaladii ay maanta fuliyeen gacanta ku soo dhigeen ilaa iyo shan burcad ah oo qoryo ku hubeysnaa, kuwaasoo ay ku xireen xabsiga saldhigga Bari .

 

Ku xigeenka duqa magaalada dhinaca ammaanka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) waxa uu sheegay in degmooyinka ay howlgalada ka fuliyeen ay kala ahaayeen: Degmooyinka Yaaqshiid, Xamar weyne, Xamar Jajab, Boondheere, Shangaani, Kaaraan, C/Casiis iyo Shibis, isagoo kulamo la yeeshay Saldhigyada degmooyinkaasi qaarkood, taasoo ay uga wadahadleen arrimaha nabadgelyada iyo sidii ay ciidamada Boolisku uga hortegi lahaayeen kooxaha burcadda ah ee u dhaadhaca guryaha laga qaxay.

 

Dhinaca kale Md. Dhagaxtuur waxa uu sheegay in howlgalkii nabadgelyo sugida G/Banaadir uu ahaa mid aad loogu baahnaa, waayo ayuu yiri dadka Muqdisho oo maanta ay la soo deristay dhibaatooyin iyo inay ka qaxaan guryahooda ayaa ku kaliftay in maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamada Boolisku iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa xaaladda nabadgelyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is highly needed. The police force needs to patrol these secured areas and neighbourhoods to protect and serve the civilians there while the troops are catching the left-offer gangs in other districts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this