Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirinta codadka doorashada Somaliland oo guud ahaan si rasmi ah u soo dhammaatay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731658113880.jpg?resize=720%2C48

Guud ahaan waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday tirinta codadka doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada tan ururrada Somaliland.

Dhammaan goobaha laga codeeyay oo tiradoodu dhan tahay 2337 goobood, islamarkaana ku yaalla inta badan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ayaa la dhammaystiray tirinta codadka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo mar kale xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sharraxaad ka bixiyay hannaanka loo marayo shaacinta natiijada doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale caddeeyay in guddiga doorashada oo keliya laga sugo shaacinta natiijada rasmiga ah, waxaana uu ka digay in la faafiyo natiijooyin sharci-darro ah oo aysan soo saarin guddigoodu.

“Waxaan mas’uuliyiinta xisbiyada iyo warbaahinta uga digaynaa in aan la faafin natiijooyin sharci-darro ah oo aan ka soo bixin guddiga doorashada” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Muuse Xasan Yuusuf.

Guddiga doorashada ayaa waxaa la sheegay in uu aad u xaddiday in xubnaha wakiillada ka ah xisbiyada ee la socda cododka la tiriyay in ay bixiyaan warar ku saabsan xogta natiijada doorashada.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu guddigu ku dhawaaqo dhawaan kadib markii hubin lagu sameeyo, iyadoo natiijada rasmi ah ah la shaacin doono 21 bishan.

PUNTLAND POST

The post Tirinta codadka doorashada Somaliland oo guud ahaan si rasmi ah u soo dhammaatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this