Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Saldanadda Cumaan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqorka Saldanada Dalka Cumaan Suldaan Haitham bin Tariq Al Said ayaa  waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaas mudane Bashiir Xasan Xaaji.

Danjiraha cusub ayaa ugu horeeyn Boqorka wadankaas gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo boqorka dalkaas la wadaagay in uu ka shaqayn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii la isaga iskaashan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga labada dal.

Xariirka Soomaaliya iyo Cumaan ayaa leh Sooyaal fog oo walaalnimo iyo iskaashi ku suntan, waxayna labada dal ka wada tirsanyihiin ururka jaamacadda Carabta iyo golaha iskaashiga Islaamka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this