Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma ninka Caanka ah ee isdilay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah dadka caanka ahaa ee u dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqul insaanka Iran ayaa is dilay isagoo ka soo horjeeday waxa uu ugu yeeray kalitaliska hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatullah Cali Khamenei.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Kianoosh Sanjari ku sheegay in uu isdili doono haddii afart maxbuus oo u xiran siyaasadda aan la sii deynin si degdeg ah.

Geeridiisa waxaa saacado ka dib xaqiijiyay xubno kale oo la socday. Dhisme dheer ayaa la sheegay in uu iska soo tuuray.

Qoraal uu soo dhigay dhimashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay inuu rajaynayo in “maalin ay Iiraaniyiintu” “kacaan oo ay ka adkaadaan addoonsiga”. Sanjari waxa uu ahaa nin aad u dhaleeceeya madaxda Iran isla markaana difaaca dimuqraadiyadda.

“Qofna waa inaan loo xirin fikradiisa,” ayuu yiri ka hor inta uusan dhiman.

“Mudaaharaadku waa xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Irani ah.” Subaxnimadii Arbacada, wuxuu qoray: “Haddii Fateme Sepehari, Nasreen Shakrami, Tomaji Salehi iyo Arsham Rezaei aan xabsiga laga sii deyn maanta … waxaan noloshayda ku soo afjari doonaa mucaaradnimada kalitaliska Khamenei iyo xulafadiisa. “

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this