Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Somaliland oo ku dhawaaqay war ku saabsan hannaanka shaacinta natiijada doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731586360573.jpg?resize=720%2C48

Guddiga doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in sanaadiiqda cododka la geeyay degmooyinka oo la soo geba-gabeeyay tirinta cododka ee goobihii laga dhiibtay Cod-bixinta.

Guddiga ayaa ka digaya natiijooyin aan sugnayn kana soo bixin iyaga oo lagu baahinayo baraha bulshada. Muuse Xasan, guddoomiyaha guddiga ayaa ku baaqay in dadku ay is dejiyaan kana war sugaan natiijada doorashooyinka oo ay guddigu soo saari doonaan marka la dhameystiro tirinta codadka.

Guddiga dooshada, ayaa waxaa la sheegay in uu aad u xaddidayo in xubnaha wakiillada ka ah xisbiyada ee la socda cododka laga soo tiriyay goobaha inay bixiyaan wax la xiriira xogta cododka la dhiibtay.

Waxaa la arkay in xisbiga Waddani uu ka hortago taageerrayaasha iyo xubnaha sare in ay bixiyaan wax hadal ah oo la xiriira cododka la tiriyay, taasi oo ay dheertay in si ka badan labada xisbi ee kale inuu Waddani ka hortagayo in dabaal-deg waqti hore ah ay sameeyeen taageerrayaasha iyo xubnaha xisbiga.

Qiyaasaha illaa hadda soo baxaya waa in codod badan lagu kala guuleysanayo, waxaa sidoo kale badan surtagalnimada doorashada ay ka soo bixi karto natiijo ay ka dhalan karto isbeddelo aan horey loo qiyaasin.

Muddo toddobaad ah ayay qaadan doontaa in lagu dhawaaqo natiijada sida uu qabo xeerka u yaalla guddiga doorashooyinka Somaliland, markaasi oo ku beegan 21-ka bishaan November, wallow ay soo baxayso suragalnimada in la heli karo natiijada waqti hore.

Halkaan ka daawo warka guddiga

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada Somaliland oo ku dhawaaqay war ku saabsan hannaanka shaacinta natiijada doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this