Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Donald Trump oo magacaabay mas’uuliyiin aan wax khibrad ah u lahayn jagooyinka loo dhiibay

Recommended Posts

Deeq A.   
3ce42e0e-b8ff-435d-8dbb-779bda505d30_w40

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay qaar ka mid ah xubnaha golahiisa wasiirrada ee soo socda, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah siyaasiyiinti daacadda u ahaa, balse lagu tilmaamay kuwo aanan khibrad u laheyn jagooyinka uu u magacaabay.

Trump ayaa Wasiirka Caddaaladda u magacaabay Matt Gaetz oo ah 42 jir ka tirsan Koongareeska Mareykanka lagana soo doorto degmada koowaad ee gobolka Florida. Matt oo horay u soo noqday garyaqaan ayaanan waligiis kasoo shaqeyn Waaxda Caddaaladda

Trump wuxuu sidoo kale shalay haweeneyda lagu magacaabo Tulsi Gabbard u magacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka. Tulsi, oo horay u aheyd mudane Dimoqraadi ah oo ka tirsan Koongareeska balse isu baddashay Jamhuuri, ayaanan laheyn khibrar toos ah oo dhanka mukhaabaraadka Mareykanka.

Talaadadii, Trump ayaa wariye ka tirsan telefishanka Vox News, Pete Hegseth u magacaabay Wasiirkiisa Difaaca ee soo socda. Sidoo kale Senator Marco Rubio ayuu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa xilka la wareegi doona 20-ka bisha January ee sannadka foodda nagu soo haya ee 2025-ka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Donald Trump oo magacaabay mas’uuliyiin aan wax khibrad ah u lahayn jagooyinka loo dhiibay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this