Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa: Tirinka codadka doorashada Somaliland oo bilaabatay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731515316419.jpg?resize=720%2C48

Tirinta codadka doorashada Somaliland ayaa bilaabatay bacdal makhrib, balse natiijada rasmiga ah waxa ay qaadanaysaa in lagu dhawaaqo mudda todobaad ah, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Maamulkaasi.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Xaaji ayaa sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxayso laba maalin gudahood.

“Marka natiijada degmo ay soo baxdo waxaa loo gudbinayaa heer gobol kadiba ilaa xarunta dhexe ee guddiga. Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse.

Madaxweynaha xilka haya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxaa doorashada Madaxtooyada kula tartamaya musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Musharraxa Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.

Doorashada Ururrada waxaa iyana ku tartamaya saddexdooda xisbi iyo todoba urur oo kale kuwaasi oo guud ahaan ku tartamaya in ay u soo baxaan saddexda xisbi ee Somaliland yeelanayso tobanka sanno ee soo socota.

PUNTLAND POST

The post Hargeysa: Tirinka codadka doorashada Somaliland oo bilaabatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this