Deeq A. Posted November 13, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa loo dhigay gaari Cabdi Bile oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya, xilli uu marayay agagaarka Xero Bangalo oo ku taalla laamiga dheer ee degmada Dayniile. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo kamid ah ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay. Sidoo kale waxaa saacado kadib goobta gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo maydadka iyo dhaawacyada kasoo qaaday halkaasi, waxayna sameeyeen howlgallo kooban, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Mas’uuliyadda qaraxan waxaa durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab oo inta badan weerarada noocaan oo kale ah ka fuliso gudaha caasimada. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi waxyeelada kasoo gaartay ciidamada dowladda. Dayniile ayaa waxaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay kooxda Al-Shabaab, kawaas oo badi lala eegtay ciidamo ku sugnaa gudaha degmadaasi. Maalmihii lasoo dhaafay ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid deggan, waxaana howlgallo guuleystay oo amni xaqiijin ah ka waday qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda.The post Xog cusub oo laga helay qarax ka dhacay Dayniile appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites