Deeq A. Posted November 13 Dadweynaha soomaaliland ayaa safaf dheer dheer ugu jira codbixinta doorashada maanta ka dhacaysa deegaanada maamulkaas, taas oo ay ku dooranayaan hoggaamiyaha 5-ta sanoo soo socata caynaanka u hayn doona. Dad aad u tira badan ayaa tuban goobaha codbixinta loo asteeyay ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland, waxayna bulshadu kala dooranayaan seddax siyaasi oo 7 sano ka hor ay midkood u codeeyeen. Hoggaamiyaha hadda talada haya ayaa mar kale u xusul-duubaya sidii dib loogu dooran lahaa, asagoo sheegay inuu Soomaaliland ka dhigi doono mid aan horay loo arag, loona maqal oo aad u hormarsan. Sidoo kale Cabdiraxmaan cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo ka kala socda Xisbiyada waddani iyo ucud ayaa ballan-qaaday inay waxqabad wax ku ool ah samayn doonaan haddii hoggaaminta lagu aamino. Doorashadan oo ay dowladda Soomaaliya bogaadisay ayaa tii 2017-kii kaga duwan in deegaanada Khaatumo aanay haatan xisaabta ku jirin, lagana codayn doonin. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites