Sign in to follow this  
Deeq A.

Bogagii Facebook ee Deni iyo Lugatoor oo hawada laga saaray iyo Puntland oo ku eedaysay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_Arms.p

Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka danbaysay weerarro lagu qaaday bogaga baraha bulshada madaxda Puntland, kuwaasi oo hawada laga saaray.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka danbaysay weerar dhinaca baraha bulshada ah oo lagu qaaday siyaasiyiinta ka aragti duwan Villa Somalia, si loo aamusiyo ra’yigooda.

Puntland waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya adeegsanayso burcad dhinaca Internet-ka oo beegsanaya mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka horjeeda siyaasadda uu dalka ku hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ku eedaysay in uu keligii-taliye yahay.

Waxay sidoo kale ku eedaysay madaxweyne Xasan Sheekh dulqaad la’aan iyo in uusan u adkaysan karin siyaasiyiinta ka ra’yi duwan, waxaana ay si adag u cambaareysay isku day kasta oo lagu camburinayo siyaasiyiinta iyo warbaahinta ka aragti duwan Villa Somalia.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli hawada laga saaray bogagii Facebook ee madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, islamarkaana ay weli hawada ka maqan yihiin.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1731447255685.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Bogagii Facebook ee Deni iyo Lugatoor oo hawada laga saaray iyo Puntland oo ku eedaysay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this