Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo sheegtay inay 23 Alshabaab ah ku dishay gobolka Galguduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay ka fulisay gobolka Galguduud ay ku dishay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

War qoraal ah oo ay Hay’addu soo saartay ayaa lagu yiri:

“In ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa Kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA xalay ka sameeyeen deegaanka Dharaarweyn ee hoostaga magaaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay ilaa seddax gaari oo mid ka mid ah uu ahaa nooca loo yaqaan Cabdi Bile oo Khawaarijtu ay ku wateen hub iyo rasaas.

Ciidamada Qaranka ayaa ku raad jooga firxadka Khawaarij u badan dhaawac oo isku dayaya in ay howlgalka ka baxsadaan kuwaas oo firxadkoodu kusii socdo deegaano u dhaw Cowsweyne”.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this