Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisay Doorashada Tooska ah ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay soo dhoweynaysay doorashooyinka tooska ah (qof iyo cod) ee mudooyinkii u dambeeyay ka qabsoomay Maamulka Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Malinta Berri ah ee ay taariikhdu tahay 13-ka November 2024 ayaa lagu waddaa in ay dhacdo doorashada Somaliland.

Doorashooyinka ka dhacayay Somaliland waxay door weyn ka ciyaarayaan hannaanka dowlad wanaagga iyo dadaallada dib-u-dhiska ee dowladnimada Soomaaliya.

Waa tallaabo muhiim ah oo ku dhisan kalsoonida shacabka, kuna saleysan mabda’a in muwaadinku xaq u leeyahay inuu codkiisa ku muujiyo rabitaankiisa siyaasadeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS waxay ugu baaqday guddiga doorashooyinka Somaliland inay xaqiijiyaan in nidaamka doorashadu ku qabsoomo ammaan iyo hufnaan, iyagoo gudanaya kalsoonidii shacabka ay ka heleen, kuna dhaqmaya kitaabka ay ku dhaarteen.

Waxaa la faray inay noqdaan guddi dhex-dhexaad ah oo daacadnimo, xilkasnimo, iyo eex la’aan ku shaqeeya, kana fogaada musuq iyo dano gaar ah, si ay hufnaan ugu maareeyaan doorashada ay tartamayaan xisbiyada siyaasadeed ee hogaanka Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Wasaaradda waxay shacabka reer Somaliland ugu baaqaysaa inay ilaaliyaan xasilloonidooda, una dhaqmaan si nabad ah inta ay doorashadu socoto, sida horay looga bartay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Maamulka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS waxay xaqiijineysaa inay si dhow ula socoto doorashada tooska ah ee maalinta Berri ka dhici doonta Somaliland, iyadoo rajeynaysa inay ku dhammaato guul iyo horumar dhinaca dimuqraadiyadda ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this