Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo isku soo dhiibay maamulka degmada Xarardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciimada nabad-gelyada ee ka howlgala Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay maamulka degmadu.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere Mudane Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta u sheegay in 7 kamid ah Kooxda Alshabaab ay isku soo dhibeen Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmadaas.

Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay ayagu go’aansadeen inay iskood uga soo baxaan kooxda Alshabaab.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this