Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Puntland oo si buuxda u taageeray Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731399901017.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaamka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Puntland ayaa si buuxda u taageeray in Jubaland doorashadeeda qabsato.

Bayaan ka soo baxay xubnahan oo ka kooban 26 mudane ayay ku sheegeen in ay si buuxda Jubaland ugu garab taagan yihiin in ay doorashadeeda qabsato, islamarkaana si adag u diidan yihiin mudda kororsiga dowladda Federaalka Soomaaliya u samaysay dowlad goboleedyada.

Xubnahan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ka abuurayso degaannada Puntland iyo Jubaland, waxaana ay uga digeen Villa Somalia tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah amniga iyo xasiloonida labadaasi dowlad goboleed.

Dhinaca kale, waxay dowladda Federaalka uga digeen siyaasadaynta mashaariic horumarinta oo sida ay sheegeen dowladdu u adeegsanayso cuna-qabatayn ka dhan ah dowlad goboleedyada uu khilaafka siyaasadeed kala dhexeeyo Villa Somalia.

Halkaan ka akhriso Mawqifkooda

FB_IMG_1731398952528.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1731398958750.jpg?resize=720%2C97

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Puntland oo si buuxda u taageeray Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this