Sign in to follow this  
Deeq A.

Fariin uu diraayo Amb. Bashe Awil Haji Omar

Recommended Posts

Deeq A.   

FARRIIN MUHIIM AH
img_1_1731410684556.webp
Ugu horrayn Shacabkayga JSL waxaan ugu baaqayaa dhammaantood in ay ka qayb qaataan doorashada afraad ee lagu dooranayo madaxweynaha lixaad ee Jamhuuriyadda Somaliland si nabadgelyo ah, oo masuuliyad ku dheehan tahay. Doorashooyinky waa fursad aynu ku muujin karno dimuqraadiyadda iyo horumarka dalka inaga oo u soo marnay duruuf adag iyo dadaal bulsho, sidaas darteed Codkaagu waa mas’uuliyad culus oo go’aaminaya mustaqbalka Somaliland.

Shacabkaygii Somalilandoow waxaan idinku boorrinayaa in aad u codeysaan si nabad ah, kana fogaataan wax kasta oo keeni kara kala qaybsanaan iyo xasilooni darro abuurta in sumcadda Doorashadu hoos u dhacdo.

Ugu dambayntii aan tusno dunida in Somaliland ay tahay dal qaan-gaar ah oo ku dhaqma dimuqraadiyad dhab ah. Nabad ku codeeya, kuna dadaala midnimada iyo wadajirka bulshada.

Guul iyo nabad dhinaciina ha ahaato.

Jamhuuriyadda Somaliland ha waarto!

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this