Deeq A. Posted November 12 Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa ku baaqay xabad-joojin deg deg ah oo ka dhacda Gaza iyo Lubnaan, iyo dal ay helaan Falastiiniyiinta, isaga oo hadal ka jeediyey shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka. Hogaamiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta ayaa isugu yimid magaalada Riyadh, ayada oo ay sanad dhaafeen dagaalka Israel iyo Xamaas iyo xiisadda gobolka, taasi oo loo arko fursad ay fariin ugu dirayaan madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump. Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo furay shir madaxeedka ayaa sheegay in beesha caalamka ay tahay in ay “sida ugu dhaqsaha badan u joojiso falalka Israa’iil ee ka dhanka ah walaalaheen Falastiin iyo Lubnaan,” isagoo cambaareeyay ololaha Israa’iil ee Gaza oo uu ku tilmaamay “xasuuq”. “Sacuudi Carabiya waxay xaqiijinaysaa taageerada ay siiso walaalaha Falastiin iyo Lubnaan si ay uga gudbaan cawaaqib xumada masiibada ah ee ka dhalata gardarrada joogtada ah ee Israa’iil,” ayuu yiri. Qaraar qabyo ah oo laga soo saarayo shir madaxeedka ayaa carabka ku adkeeyay “taageerada adag” ee “xuquuqda qaran” ee dadka reer Falastiin, “oo ay ugu horeyso xaqa ay u leeyihiin xoriyad iyo dal madax-banaan”. Saacado ka hor, wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa sheegay in aanay “waaqici ahayn” in la dhiso dawlad Falastiini ah, isaga oo meesha ka saaray kuna qeexay “dawlad Xamaas”. “Uma maleynayo in mowqifkani uu maanta yahay mid waaqici ah, waana in aan noqono kuwo waaqici ah,” ayuu yiri Saar oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay isaga oo ku sugan Qudus. Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday qorshayaasha shir madaxeedka dabayaaqadii October intii lagu jiray kulan, sidoo kale ka dhacay magaalada Riyadh, oo ay yeesheen “isbahaysiga caalamiga ah” ee cusub ee lagu cadaadinayo dhismaha dawladda Falastiin. Waxa ay ku soo beegantay hal sano ka dib kulan kan la mid ah oo ka dhacay magaalada Riyadh oo ay yeesheen Jaamacadda Carabta ee fadhigeedu Qaahira iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigiisu yahay Jeddah, kulankaas oo ay hoggaamiyeyaasha ku cambaareeyeen falalka ciidammada Israa’iil ee Gaza.The post Maxamed bin Salmaan oo weerar culus ku qaaday Israel appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites