Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in dowlad madax-bannaan loo aqoonsado Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731387678859.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladd Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay, Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay  magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, kaasi oo looga hadlayo xaaladdaha Beni-aadannimo ee ay wajahayaan shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisa ku dul istaagay mugga qasaaraha gaaray shacabka Biri ma-geydada ah Falastiin iyo Lubnaan, xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha, isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga dhexe.

“Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda. Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay madaxda dowladdaha Shirka ka qayb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan, waxa uuna soo jeediyay in la dhaqan galiyo xabad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadallada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in dowlad madax-bannaan loo aqoonsado Falastiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this