Deeq A. Posted November 12, 2024 Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa magacaabay Thomas Homan oo horey u ahaa ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka, inuu noqdo Agaasimaha Arrimaha Xuduudaha Mareykanka. Homan, oo ah 62 jir, ayaa la filayaa inuu hirgeliyo ballanqaadka Trump ee ah masaafurinta malaayiin muhaajiriin aan sharciga haysan. Sidoo kale, Stephen Miller oo loo arko maskaxda ka dambeysa siyaasadda socdaalka Trump ayaa loo magacaabi doonaa ku-xigeenka Madaxtooyada Aqalka Cad. Wararka ayaa intaas ku daraya in Trump uu Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabi doono Senator Marco Rubio, oo noqonaya qofkii ugu horreeyay ee Laatiino Mareykan ah ee xilkaas qabta. Trump ayaa 21-ka January ku laaban doona Aqalka Cad si uu xilka uga wareego Madaxweynaha xilka ka sii degaya, Joe Biden. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites