Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo duqeeyay fariisimo ciidan oo ku yaalla dalka Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Milateriga Mareykanka ayaa qaaday weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya, tillaabadaas oo taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) uu ku sheegay inay jawaab u ahayd weerarro ugu ciidamada Mareykanka ay ku soo qaadeen kooxo xulafo la ah Iran oo dalkaas ka howlgala.

Taliyaha CENTCOM General Michael Erik Kurilla ayaa bayaan uu soo saaray subaxnimadii Talaadada ku sheegay in tilaabada militari ee Mareykanka ay fariin cad u dirayso kooxaha hubeysan ee Iran ay taageerto ee ka howlgala gobolka.

“Weerarada ka dhanka ah Mareykanka iyo xulafada isbaheysiga ee gobolka looma dulqaadan doono,” ayuu yiri general Kurilla, isagoo ku tilmaamay weerarrada lagu qaaday askarta Mareykanka ee Suuriya 24-kii saac ee la soo dhaafay inay ahaayeen kuwo taxadar la’aan ah.

Mareykanka ayaa waxaa suuriya uga sugan 900 oo askari oo fadhigoodu yahay bariga dalkaas, halka 2,500 oo kalena ay ku sugan yihiin dalka deriska ah ee Ciraaq, kuwaas oo howlgalkooda lagu sheegay mid ay ku taageerayaan ciidamada maxalliga ah ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this