Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulanka taliyaha booliska iyo ururka haweenka Soomaaliyeed ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay xubno matalayay urur weynaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan ka shaqeynta nabadda, horumarinta bulshada iyo xasilinta amniga guud ee dalka, isagoo u balanqaaday inuu tixgalin gaar ah siin doono codsigooda ah in haweenka booliska ku jira la dalacsiiyo, xilal sarena loo magacaabo.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhinaca kale tilmaamay in haweenka qaranka ay udub dhexaad u yihiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madax-bannaanida iyo midnimada dalka, wuxuuna ku booriyay inay dadaalkooda halkaasi kasii wadaan.

Taliyaha waxaa kulanka ku wehlinayay G/le Qaali Axmed Cadaan  oo ah Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Boliiska iyo Bulshada iyo saraakiil kale.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this