Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo dalbaday in Falastiin loo aqoonsado dowlad madax-bannaan

Recommended Posts

Deeq A.   
saudi-arabia-mohamed-bin-salman-2020-afp

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa markii u horreysay maanta sheegay in ay Israa’iil xasuuq ka geysanayo marinka Gaza, waxaana uu sidoo kale cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday Iran.

Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ayaa ku baaqay xabad-joojin deg deg ah oo ka dhacda Gaza iyo Lubnaan, iyo dal ay helaan Falastiiniyiinta, isaga oo hadal ka jeediyey shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo furay shir madaxeedka ayaa sheegay in beesha caalamka ay tahay in ay “sida ugu dhaqsaha badan u joojiso falalka Israa’iil ee ka dhanka ah walaalaha reer Falastiin iyo Lubnaan.”

Waxaa kalo uu dalbaday in Falastiin loo aqoonsado dawlad madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.

“Sacuudi Carabiya waxay xaqiijinaysaa taageerada ay siiso walaalaha Falastiin iyo Lubnaan si ay uga gudbaan cawaaqib xumada masiibada ah ee ka dhalata gardarrada joogtada ah ee Israa’iil,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan.

PUNTLAND POST

The post Dhaxal sugaha Sacuudiga oo dalbaday in Falastiin loo aqoonsado dowlad madax-bannaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this