Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland oo la mowqif noqday Madaxweyne Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731325718098.jpg?resize=720%2C48

35 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee Baarlamaanka la horgeeyay iyo tallaabadii Guddiga Kumeel gaar loogu saaray oo ah mid baalmarsan Dastuurka.

Xildhibaannada ayaa taageero weyn u muujiyay doorashada ay Jubbaland galeyso, taasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid waafaqsan sharciga iyo dastuurka dowladda Federaalka iyo kan Jubbaland.

“Iyadoo ay naga go’an tahay in xal loo helo wadashaqeynta Jubbaland iyo dowladda Federaalka, haddana tallaabooyinkan ay qaadayso dowladda Federaalka waxay halis ku yihiin inay sii ballaariyaan khilaafyada jira” ayay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadaasi.

Khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa salka ku haya nooca doorasho ee la qabanayo, ayada oo dowladda federaalka ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah, halka Jubaland ku adkeysanayso doorasho dadban.

Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1731320988304.jpg?resize=720%2C89 FB_IMG_1731320993832.jpg?resize=720%2C91 FB_IMG_1731320999115.jpg?resize=720%2C91 FB_IMG_1731326317896.jpg?resize=720%2C89 FB_IMG_1731326321998.jpg?resize=720%2C95 FB_IMG_1731326327067.jpg?resize=720%2C95

PUNTLAND POST

The post Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland oo la mowqif noqday Madaxweyne Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this