Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilalka iyo afduubka oo joogto ka noqday  Nairobi, iyo Soomaalida Magaalada ku nool oo wadnaha farta ku haysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal burcadnimo ah oo lagu afduubanayo dadka, ka dibna muuqaallo laga duubayo ayadoo la jirdilayo.

Dadka la afduubtay qaarkood ayaa lacag madax furasho ah laga qaatay, halka qaarna la diley oo meydadkooda jidadka lagu soo tuuray, waxaana si weyn loo xasuustaa xasuuqii foosha xumaa ee 21-kii bishii Oktoobar nafta lagu dhaafiyay hooyo Waris Siciid Daa’uud iyo labada gabdhood oo ay midna dhashay, midna xigto ahaayeen.

Dilka xubnahan iyo gabar kale oo si arxan-darro ah loo gowracay ayaa loo  xiray nin lagu magacaabo Haashim Dhaqane Muxamed, kaas oo hadda ku jira gacanta laamaha nabad-gelyada Kenya.

Fal-dembiyeedka loo haysto ninkan ayaa daboolka ka qaaday in falalka arxan-darrada ah ee magaaladaas ka dhacaya qaarkood ay dhallinyaro Soomaaliyeed hormuud ka yihiin, halka isla Soomaalidu ay dhibanaha koobaad u yihiin falalkaas bahalnimada.

Dilalka, jirdilka, iyo afduubka muuqaallada fool xumada ah laysaga duubayo ayaa astaan u noqday halbeegga arxan-darrada kooxaha abaabulan ee ka dilaacay Nairobi, waxaana saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada qabsaday muuqaal laga duubay gabar Soomaaliyeed oo si xun loo jirdilayo.

Gabadhan oo kamid ah dhallinyarada caanka ah, laguna magacaabo Rayaan Bajaaj ayaa warbaahinta u sheegtay in wiilal Soomaali ahi ay afduubteen, ka dibna ay dhawr mindi meelo halis ah uga dhifteen, muuqaal anshax xumo ahna ka duubeen.

Si kastaba ha ahaatee cabsida iyo walwalka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Nairobi ayaa aad u sii kordhaya, cidda beegsanaysaahi balo cirka uga soo dhacday ma ahan ee waa kuwo walaalahood ah oo damqashadii iyo damiirkii Islaamnima meel iska dhigay, ka dibna falal arxan-darro ah u tafa-xaytay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this