Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyaha Jarmalka oo sheegay in uu Baarlamaanka weydiisan doona codka Kalsoonida

Recommended Posts

Deeq A.   
Untitled-68-2024-06-af73a468e91bff145935

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay, in uu baarlamaanka weydiisan doono codka kalsoonida ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka bisha December.

Tallaabadaas ayaa waddada u xaari doonta in Jarmalka laga qabto doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Arrintan waxay ka danbeysay kaddib marki uu burburay isbaheysigi saddex-geesoodka ahaa ee ay ku tiirsaneyd xukuumadda Scholz.

Dalka Jarmalka oo ah waddanka ugu dhaqaalaha wanaagsan Yurub ayaa todobaadki hore galay qalalaaso siyaasadeed, kaddib marki isbaheysiga ay ka koobneyd xukuumadda uu isku qilaafay, cadadka lacagaha ay dowladda ku taageryso Ukraine, iyo inta ay xukumadda ku kharja-gareyn karto dhiirigelinta koboca dhaqaalaha.

Scholz ayaa horay u sheegay in codka kalsoonida baarlamaanka ee xukuumaddiisu la qorsheeyay 15-ka January, isla markaana doorashada xilliga hore ay dhici doonto bisha March, hase yeeshee wuxu uu taariikhdaasi baddalay oo uu soo hormariyay kaddib marki uu caddied kala kulmay axaasbta mucaaridka ee dhinica midigta u janjeera.

PUNTLAND POST

The post Hogaamiyaha Jarmalka oo sheegay in uu Baarlamaanka weydiisan doona codka Kalsoonida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this