Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Shirar deg deg ah kaga qayb galaya dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731303287738.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya sida ay sheegtay Madaxtooyada Villa Somalia.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu halkaasi kaga qayb galayo shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, siday sheegtay Villa Somalia.

“Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta” ayay tiri Villa Somalia.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka  socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Shirar deg deg ah kaga qayb galaya dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this