Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Qaabiley Goob-joogayaal Caalami ah oo ka Socda dalalka caalamka oo u yimi kormeerka doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goobj-oogayaal caalami ah oo ka socda dalal kala duwan oo caalamka ka yimi, kuwaas oo dalka u yimi inay kormeeraan doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada/xisbiyada ee qorshaysan toddobaadkan aynu ku jirno.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horrayn xubnaha goob-joogayaasha ah ugaga mahadnaqay inay kusoo dhiirradaan kormeerka doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxana uu uga war bixiyey hannaanka Dimuqraaddiyadda iyo is doorashada daaha furan ah ee ay Somaliland kusoo caano maashay muddadii ay jirtay, taas oo aan ka hirgeli Karin meelo badan oo qaaradda Afrika iyo caalamka kaleba kamid ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo.

Madaxweynuhu waxa uu goobjoogayaasha ku bogaadiyey inay usoo ban baxeen sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, isaga oo ka codsaday inay adduunka intiisa kalena gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa dal madax bannaan.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee dhinac kasta ah ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen inay qabsadaan doorashooyin daah-furan, xilalkana la isugu wareejiyo si Dimuqraaddi ah.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalalka Maraykanka iyo Canada Amb Bashiir Sheekh Cumar Good.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this