Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Masagawaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay waxyeellada ka dhalatay dagaal xooggan oo saaka hiirtii hore deegaanka Masagawaa ee gobolka Galguduud ku dhex maray ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa mawacislayda iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay laba jeer soo weerareen deegaanka Masagawaa, balse ciidanka xoogga iyo dadka deegaanku ay si adag isaga difaaceen, khasaare lixaad lehna gaarsiiyeen.


Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadu ay dileen 8 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, sidoo kalena 14 kale ay dhaawaceen, balse ma sheegin waxyeello soo gaartay ciidanka iyo dadka deegaanka.

Dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Masagawaa ee gobolka Galguduud ayaa lagu tilmaamay mid kamida weeraradii ugu xoogganaa ee kooxda Alshabaab ay qaadaan waayadan, balse ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawislayda ayaa si adag isaga difaacay, kana hor istaagay inay magaalada qabsadaan sida saraakiishu ay sheegeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this