Deeq A. Posted November 10, 2024 Kismaayo (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay qorshe culus oo ka dhan ah maamul goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo uu hadda khilaaf xoogan kala dhexeeyo hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda dhexe ay xiriir toos ah la sameysay taliska ciidamada ATMIS, iyada oo ka dalabtay inay la wareegaan amniga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo hadda gacanta ugu jiro ciidanka Jubbaland. Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa in ra’iisul wasaare Xamza uu tego Kismaayo, maadaama uu deegaan ahaan uu kasoo jeedo halkaasi, si uu u fashiliyo qorshaha Axmed Madoobe ee ku aadan qabashada doorasho dadban oo ka dhacda maamulka Jubbaland. Macluumaadka la helayo ayaa intaasi kusii daraya in ATMIS ay dowladda federaalka la wadaagtay in aysan awoodin tallaabadan, maadaama ay ka dhalan karto gacan ka hadal. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan Kismaayo ay ka socdaan kulamo deg-deg ah oo looga arrinsanayo sii amba qaadida doorashada Jubbaland, maadaama xalay madaxweynaha uu soo magacaabay guddiga doorashada oo ka kooban illaa 7 xubnood. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrintan ayaa u muuqata inay ku socoto sida doorashadii 2029-kii ee Jubbaland, taas oo dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana xilligaas dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo ay isku deyday inay ka hor istaagto balse ma dhicin, waxaana dib usoo laabtay Axmed Madoobe oo mar saddexaad sii raba xilka. Dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa ku kala tegay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wada-tashiga qaranka, kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday gebi ahaan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo laga hirgeliyo dalka.The post Xog: R/W Xamza oo qorsheeyay inuu tego Kismaayo appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites