Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Jubaland oo ku dhawaaqday in ay xiriirkii u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731237704346.jpg?resize=720%2C47

Madaxtooyada Jubaland ayaa shaacisay in ay xiriirkii u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu cirka isku shareeray Khilaafkii labada dhinac.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayay ku sheegtay in ay xiriirkii u jartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya inta ay ku soo laabanayso dastuurkii dalka islamarkaana tixgelinayso Rabitaanka shacabka Jubaland.

“Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabitaanka shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Jubaland.

Go’aanka ka soo baxay Jubaland ayaa jawaab u ahaa qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya kaasi oo ay ku diiday guddigii doorashada Jubaland ee Axmed Madoobe xalay magacaabay.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1731229879444.jpg?resize=720%2C89

PUNTLAND POST

The post Madaxtooyada Jubaland oo ku dhawaaqday in ay xiriirkii u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this