Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Jubbaland ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo uu xalay soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Guddigaan oo ka kooban 7 Xubnood waxaa si weyn uga soo horjeestay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo xaadireen 66 Mudane ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Guddigaan ayaa qaban doono doorasho dadban oo ka dhacda Jubbaland.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu eedeeyay in ay doonayso in ay afduubato hanaanka doorashooyinka ee Jubbaland.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this