Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo ku dhawaaqday in ay joojisay doorkeeda dhexdhexaadinta Xamas iyo Isra’il

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay dadaalkii ay ku laheyd dhexdhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

Qatar waxay sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta heshiiska xabbad joojinta ee Gaza.

Qatar waxay kaloo sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Isra’il.

Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza.

Go’aankan ayaa durba guux badan ka dhaliyay gudaha Isra’il.

Sabtidi shalay, kumannaan qof oo Isra’aa’iiliyiin ah ayaa ku mudahaaraaday magaalada Tel Aviv, kuwaas oo ka walaacsan xaaladda la heystayaasha wali ku harsan gacmaha kooxaha Falastiiniyiinta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this