Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: End of Political Crisis

Recommended Posts

Hargeysa(Qarannews)- Kulan Caawa ku dhexmaray Xukumadda Somaliland iyo Asxaabta Mucaaridka ah ayaa lagu gaadhay 8 qodob oo soo afjari doona khilaafaadkii siyaasadeed ee inta muddada ah u dhexeeyey Xukumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaridka.

 

Heshiiskan caawa ayaa lagu sheegay war-murtiyeed ay soo wada saareen sadexda xisbi qaran.

 

Nuxurka Heshiiskuna waa sidan.

 

Kulan ay Qasriga Madaxtooyada ay ku yeesheen maanta oo ay taariikhdu tahay, 1/6/08. Xukuumadda iyo Madaxda Mucaaridka, waxa ay dood dheer, lafa-gurid iyo isu tanaasul badan oo ay ku dheehan tahay wadaniyad, masuuliyad dad iyo dalba u damqanaysa, kadib waxa ay isla gaadheen qodobadan go?an ee soo socda;

 

 

In dib loo dhigo doorashada Golaha Deegaanada oo la soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada.

In Diiwaangelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu dhigay Doorashada Golaha Deegaanka.

In Komiishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga Doorashada Madaxtooyada, Diiwaangelinta kadib.

In Doorashada Madaxtooyadu ay ka soo hormarto 06/04/2009.

In Qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi Karin Doorashada Madaxtooyada la laalo.

Haddii ay yimaadaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada, waxa xaaladdaas wada jir uga go;aan qaadanaya Komiishanka iyo Saddexda Xisbi Qaran, iyada oo Golaha Guurtiduna u ansixinayo wakhtiga ay isla garteen oo aan waxba lagu darin.

In Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay yeeshaan, isku xidhnaan iyo wada tashi joogta ah.

In Guddida Farsamo ee saddexda Xisbi Qaran ay noqoto guddi Joogto ah, una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumadda iyo Xisbiyada wada shaqeyntooda.

 

 

Wakiilada ay igmadeen Saddexda Xisbi.

 

 

1. Mudane, Maxamed Ismaaciil Bulaale Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB

 

2. Mudane, Aadan Maxamed Mire (Waqaf) Guddoomiye Xiggeenka Xisbigga UCID

 

3. Mudane, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Guddoomiye Xiggeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE.

 

Heshiinkan ay caawa wada gaadheen labada dhinaca ee isku haya siyaasadda ayey dadwaynaha reer somaliland aad usoo dhaweeyeen markii ay maqleen heshiiskan, kaasi oo meesha ka saaraya walaacii ay dadbadani ka qabeen sida ay wax noqon doonaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

In dib loo dhigo doorashada Golaha Deegaanada oo la soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada

 

In Diiwaangelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu dhigay Doorashada Golaha Deegaanka.

 

In Komishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga doorashada Madaxtooyada, diiwaangelinta kadib.

 

In doorashada Madaxtooyadu ay ka soo hormarto 06/04/2009.

 

In qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi karin Doorashada Madaxtooyada la laalo.

 

Haddii ay yimaaddaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada, waxa xaaladdaas wadajir uga go’aan qaadanaya Komishanka iyo Saddexda xisbi qaran, iyada oo Golaha Guurtiduna u ansixinayo wakhtiga ay isla garteen oo aan waxba lagu darin.

 

In xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ahi ay yeeshaan isku xidhnaan iyo wada-tashi joogto ah.

 

In Guddida Farsamo ee saddexdaxisbi qaran ay noqoto guddi joogto ah, una xilsaaran kalsooni dhiska xukuumadda iyo xisbiyada wada-shaqayntooda.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

To postpone the municipality elections and do the presidential elections first.

 

To give enough time to the voters registration process which is why the municipality elections are postponed.

 

The electoral commision to propose the exact date of the presidential elections after the registration.

 

The presidential elections should be done before 06/04/09.

 

The articles that are not inline with the registration are suspended.

 

If there are reasons that will not allow the elections to take place, it is the electoral commission and the three political parties that will take the decision together and the Guurti will approve it.

 

The government and the opposition should always be intouch and work together.

 

This committee will be regular committee that will participate in the relationship between the government and the opposition.

 

 

(rough english but i hope you'll understand).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^It is health me thinks, part of democracy. In time you will have comdey shows on TV taking the pis*s out of the president without getting arrested. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Newspapers do that regularly and some like HAATUF is well-known of such stuff. I hope the TV shows will be the next as the number is growing up now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran oo markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii xalay dhexmaray

 

Hargaysa,(Qarannews)-Labada Gudoomiye ee Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xoghayaha Guud xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa sheegay in khilaafaadkii siyaasadeed ee inta muddada ah ka dhex aloosnaa hogaamiyeyaasha Somaliland la soo afjaray.

 

Sidaas waxay ku sheegeen masuuliyiintani xog-waraysi ay xafiisyadoodaku siiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah oo wax ka waydiiyey heshiiskii xalay lagu gaadhay xarunta Madaxtooyadda, waxay ku cadeeyeen in la soo gunaanaday khilaafaadkii ku dhexeeyey labada dhinac ka dib wada hadalo in muddo ah u socday.

 

Ugu horeyn guddoomiyaha xisbiga ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo aanu xafiiskiisa ku booqanay ayaa faahfaahin ka bixiyey nuxurka heshiiskii xalay dhexmaray xukumadda iyo mucaaridka waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay.

 

“Waxaan ugu bushaaraynayaa shacabka reer somaliland, in aanu xalay gaadhnay go’aan lagu soo afjarayo, murankii soo jiitamay muddada sadexda todobaad ahayd ee dadkeena, werwerka badan galiyey ee cadawgeena farxada badan galiyey.

 

Waxaanu ku guulaysanay oo intaanu iska xoreynay dantii khaaska ahayd dantii xisbiga ayaanu waxaanu dooranay oo door bidnay dantii ummadda horumarka dalkeena, nabadgalyada dalkeena iyo adkaynta dimuqraadiyadda ayaanu ku heshiinay 8 qodob, kuwaasi oo ay ka mid ahayd diiwaan galinta maadaama oo aynu nahay dal xor ah waa in dadkeenu sumad yeeshaan oo la siiyaa dhalashadii Somaliland waxaan filayaa in dadka reer Somaliland ay fahansan yihiin qiimaha ay leedahay dhalashadu, ilaa lixdankii ayaa carabta iyo meel kasta laynaga talxiili jiray wixii laguu mustaafurin jirayna waxay ahayd muwaadinimo ayaanad ahaysan, waa markii ugu horeysay ee qof muwaadin ahi heli-doono aqoonsigiisa taasi oo ay cid kasta kaga mudnaan doonaa islamarkaana waxaynu ogaanaynaa cida footaysay iyo meelkasta inta qof ee ku nool, dood dheer ka dib waxaanu ku heshiinay in doorashadda madaxwaynaha ku xigeenka la soo horeysiiyo oo ay waliba ka soo horeyso 6-da bisha April waxa kale oo aanu ku heshiinay in wixii danbe ee duruufo hadii ay imaadaan in ay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan saddexda xisbi qaran waxay ku loo baahdo in la waxa ay guurtidu iska laadi kartaa aanay jirin waxaa kale oo aanu ku heshiinay wixii ka hor imanaya heshiiskaa qaab kale laga baxo waxa kale oo mid ah gudi aanu samaynay gudi isugu jira saddexda xisbi oo ka kooban 9 xubnood oo kurmeera heshiiskan iyo wixii cabasho ee soo baxa waxaana qodobada aanu ku heshiinay ka mid ahaa in warbaahinta dawlada dhex aanu u naqo islamarkaana la joojiyo wixii aflagaadooyin ah ee warbaahinta la isku mariyo laguna badasho wanaag iyo wada hadal waxkasta lagu xaliyo”

 

Gudoomiyuhu waxaa uu hadalkiisii ku sii daray

 

“Somaliland u baahna hebel hebel ku badel ee waxay u baahan tahay horumar markaa kaa yagga khayr qaba ilaahay gacanta ah u galiyo dalka waxna ma dhacayaan ayaan leeyahay ee sidaas shacabku ah u ******** waxaana aan shacabku dhaqan dibedda in aanay is odhan waxbaa dhacaya ee waxaan leeyahay waxba ma dhacayaan oo ay iska dhaafaan telephonka qabyaaladda ah ee ay soo dirayaan oo ay ka qayb qaataan horumarka wadankan waxaan u baxayaa anigu miyi si aan caano u doonto markaa dadkii waxay doonanayaan caano wadankeenu waxaan rajaynayaa in uu noqdo barwaaqo cadawgana way ka fiishtay markii ay maqleen way heshiiyeen”

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in aan la xayirin lacagtii ay deeq-bixiyeyaashu ugu talo galeen doorashooyinka iyo diiwaan-galinta waxaanu yidhi.

 

“Dhaqaalaha laynagama joojin ee waa la hakiyey. dadkii diiwaan galinta ka soo horjeeday, ayaa waxaa ku dacaayadaynaayey dhaqaale ayaa ku socday hadii shirkadihii la furi lahaa, Oo Hadaynaan heshiin magdhaw ayaa lagu wadiin lahaa,waxay balan qaadeen markaad heshiisaan waa la idiin soo daynayaa, khamiista ayaanu baxaynaa sadexda xisbi qaran iyo koomishanka doorashooyinku jimcaha ayaanu deeq bixiyeyaashii nairoobi kula shirdoonaa anaga oo kala hadli doona in lacagta ay intii hore ka soo badiyaan iyo inla soo furo lacagta diiwaan galinta iyo doorashooyinka waxaanu iska baadhi doonaa shirkadaha khandaraaska qaadanaya in aanu soo hubino waxay yihiin”waxaanu jecelnahay in aan sii sexeexi doono inta aanan bixin heshiiskan sadexdayada hogaamiye

 

Sida oo kalena waxanu wax ka waydiinay heshiiskan xalay ay gaadheen labada dhinac ee khilaafka siyaasadeed u dhexeeyey kaasi oo xudun u tahay, wakhtiga ay doorashooyinku ka dhici doonaan dalka iyo mudadii halka sanno ahayd ee Golaha Guurtidu u kordhisay xilka Madexwaynaha iyo ku xigeenka.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Md Axmed Maxamed “Siilaanyo” iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga talada haya ee UDUB Md Maxamed Ismaaciil Bulaale oo iyaguna tilmaamay sidaas uu gudoomiyaha Xisbiga UCID uu sheegay waxaanya xuseen in xalay la soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee inta mudada ah ka dhexe alsoonaa xukumada iyo asxaabta mucaarid ah islamarkaana shacabku ay sidaas u ogaadaan oo wax xumaanayaana aanay jirin.

 

Waxaanay intaas ku dareen in loo baahan yahay in la ilaalyo sidii taabo galin lahaa heshiiskan iyaga oo shacabkana u soo jeediyey in ay ilaashadaan nabada ay maanta ku naaloonayaan, oo ay arkaan waxa qayirkood haysta islamarkaana ku taamilo qaataan waxa ka dhacaya wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya. Dhammaan masuuliyiintani waxay u muuqdeen in ay ka ka midaysan yihiin, sida ay ugu farxasan yihiin heshiiskan iyo in la soo afjaro khilaafaadkii siyaasadeed ee walaac ku hayey dadka reer Somaliland iyaga oo kuligood hanbalyo u diray shacabka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Rayaale oo Faah Faahin Ka Bixiyay Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran Gaadheen,Dawo sawirada

 

Hargeysa (Qarannews)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Faah faahin kaga bixiyay Heshiiskii ay wada jirka u gaadheen saddexda Xisbi Qaran, Diiwaan gelinta inagu soo fooda leh iyo arrimo kale oo xiiso badan.

Madaxweynaha oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay , ayaa waxa uu u mahad naqay Weriyayaasha ka soo qayb galay shirka Jaraa’id , waxana uu ku bilaabay ‘’aniga ayaa maanta idiin yeedhay aad ayaad u mahad san tihiin , waxa aan idinku yeedhay beryahanba shir ayaa noo socday anaga iyo asxaabta kale ee Qaranka , markaa madaxweynuhu muxuu la aamusan yahay ayay dadku is weydiinayeen , isagu weli ma hadlin , sababta ugu muhiimsan ee runtii kulankan aan u qabtay waa taas , waxa aan idiin sheegayaa run ahaantii , Somaliland intii jecelna in ay ku faraxdo , intii necbaydna in ay ka naxdo ayuu warkaygani daaran yahay oo ah in aan idiin sheego run ahaantii in aanu heshiinay anaga iyo Asxaabtii Qaranku , aanu ku heshiinay in dalkan khilaafkii jiray aanu soo afjarno , aanu isu diyaarino doorasho xaq iyo xalaal ah haddii ilaahay yidhaahdo , anagoo xukuumad ahaan weliba saaxabadyo shaki badan oo ay qabeen in aanu ku dawayno in doorashada Madaxtooyada la soo horeysiiyo oo shakiga ay qabeen waxa uu u badanaa had iyo jeer dawladu iyadaa dib u riixaysoo cimri dherer mar kastaba diiwaan gelintii lagama gaadhsiine dib ha loo sii riixo , taa laftigeeduna in ay dawo u noqoto tanaasul in aanu samayno oo ta Madaxtooyada aanu soo horeysiino , si kalsooni dhexdayada uga abuurno labada doorashaba waa la galayaa , ilaahay cida uu garto ama ummadu u codayso ayaa kursigan markastaba iman doonta , in aanu is jiid jiidano in aanay noqon oo aanu Masuuliyad ku wada shaqayno ayaanu isku afgaranay Gudoomiyayaasha Asxaabta iyo xukuumadaba’’.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu sheegay in waxyaabo badan inagu wareegsan yihiin , cadow badana inagu wareegsan yahay , mar kastana ku farxa marka ay maqlaan Somaliland Muran ayaa ka jira , isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’Waxa inagu wareegsan waxyaabo badan , cadow badan oo inagu wareegsan baa jira , mar kastaba ku farxa marka la yidhaahdo muran ayaa la isku haystaa , kuwaasi in aynaan ka farxin ayaanu isla garanay (Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka) run ahaantii , ujeedo ahaan , qodobadu waa kuwii hore la idiinku soo gudbiyay ku noqon maayo , oo akhris uma baahna horebaad u qorteen oo habeenkii shirka ka soo baxnayba waanu idiin soo gudbinay , waxa kale oo aanu ku heshiinay in haddii ay wax dhacaan in aanu sidii hore isaga dhawaano oo kulankayagu uu bato , waayo Somaliland dalkan ayay wada leedahay , kan wanaagiisa ayaynu dhamaanteen wax ku nahay , ka madax , ka shicib iyo mid kastaba , masuuliyadaa qaran in aanu wada qaadano ayaanu isla garanay ‘’.

 

Madaxweynuhu waxa uu Bulsho weynta reer Somaliland ugu Bushaareeyay in Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumadu heshiisay , isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’Waxaanjecelahay in shacbiga reer Somaliland u sheego uguna bushaareeyo in aanu heshiinay , wax khilaaf ah oo imika taaganina in aanu jirin , wixii halkaa ka bilaabmayna in aanu hore u sii socono haddii ilaahay yidhaahdo , waxyaabaha kale ee inagu xeeran ee caalamka inagaga socda ee inagu soo wajahan ka hadalno , arrimaheena Local Issue sidaa uga gudubno , hawshaana aanu gacan ka siino Komishanka doorashooyinka , xukuumad iyo Asxaaba sidii iyaguna xilkooda u gudan lahaayeen , anagoo iyagana u rajaynayna in ilaahay u fududeeyo xilkaasi’’.

 

Mudane Rayaale isaga oo ka hadlaya waxyaabaha muranka keenay waxa uu ydihi ‘’Shaqadaa muranka keentayna waa Diiwaan gelinta oo inagu cusub , runtiina inoo noqonaysa ayaan odhan karaa waxa ugu qiimaha badan ee dalka u soo kordhay , waa markii u horeysay ilaa 1991-kii Identity ka duwan Somali aynu samaysanayno , oo Somalilander Identity ayaa ku jira mashruuca , oo jinsiyad aynu leenahay markii u horeysay , tani waxay noqon doontaa Identity aynu inagu leenahay ay inoo samaysanto , qiimo badan ayay inoogu fadhidaa’’.

 

Madaxweyne Rayaale isaga oo la dardaarmaya Saxaafada waxa uu yidhi “Fariintayadu meel ma gaadho xukuumada , idinka ayaa meelo badan gaadhsiiya , markaasi maanta waxa aan idinku yeedhay in aad warkayga meelihii aad gaadhsiin jirteen gaadhsiisaan , mar kastana waxa aan idinkula dardaarmayaa warbaahin ahaan in aad xil qaran haysaan , qoraladiina mar kasta wixii dhaawac u gaysanaya karaya mustaqbalkiina inaad wadaniyadu mar kastaba jirto , taxadirkeeda aad samaysaan , waxa idinka wax badan idiin tarayn , News-ka mar kasta waa la sheegaa , Runtana waa la sheegaa , balse qaran kastaaba waxa uu leeyahay wararka qaarkood oo aan waxba tarayn waa la tuuraa, idinkana waxa aan idiin rajaynayaa in aad noqotaan saxaafad la mid ah kuwa dalalka horumaray, noqotaana kuwo la yidhaahdo waa Joornaalkii qiimaha lahaa ee ay qoladaasi qoraysay ayaan nin kasta oo Journalism ah jecelahay , si aad u noqotaan Berri ka maalin Joornaalada wax la waydiiyo ee saadaasha siyaasadaha qora insha allaahu waxa aad ku gaadhi doontaan xaqaa’iqa oo aad raadisaan, oo qoraalkiinu xaqaa’iq iyo run ku salaysnaado, taana insha allaahu waad gaadhi doontaan’’’ ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeisa(QARAN)- The two leaders of the Somaliland opposition parties Mudane Ahmed Mohamed Mohamud of KULMIYE and Mudane Faisal Ali Warabe of UCID along with the Secretary-General of the ruling UDUB party, Mudane Mohamed Ismail Bulale have formally stated that the recent political issues in Somaliland between the government and the opposition parties have been resolved.

 

In recent press conferences at the various party headquarters in Hargeisa

which were held after discussion between the government of Somaliland and the opposition parties at the Presidency this past Sunday, all three Somaliland parties have confirmed that there has been an agreement on the issues arising from recent political debates.

 

According to Mudane Faisal Ali Warabe, the chair of the UCID party "there has been an eight point agreement between all three parties relating to the recent political issues including but not limited to the voter registration process followed by agreed schedule for the local and Presidential elections at the beginning of next year"

 

Mudane Faisal Ali also stated that contrary to media reports that funds for the Somaliland elections have not been stopped, all three Somaliland political parties along with the National Elections Commission members are expected to meet with donor nations in Nairobi, Kenya at the end of the week.

 

The Chair of KULMIYE, Mudane Ahmed Mohamed Mohamud and UDUB's Secretary-General, Mudane Mohamed Ismail Bulale have also issued statements confirming that after the all party meeting on Sunday any political issues pertaining to the upcoming elections and ruling from the Somaliland House of Elders have been resolved.

 

There are expectations that main points of the multi-party agreement will be further clarified by the government of Somaliland and the opposition parties in the near future.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anagga oo ah bahda ururka Somaliland Forum waxaa farxad weyn nagu abuuray oo aanu ku diirsanay heshiiska ay gaadheen Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda Somaliland ee ay ku soo afjareen khilaafkii siyaasadeed ee muddada ka dhex aloosnaa kana dhashay kordhinta Muddada ay Guurtidu u kordhisay hogaanka Madaxweynaha Somaliland. Arrintaas muranku waxay niyad jab iyo werwer ku abuurtay dhamaan shicibka Somaliland ee nabada iyo dumuqraadiyada jecel, iyo dhamaan dawladaha aynu saaxiibka nahay iyo inta daneysa qaddiyada Somaliland Gooni isu taageeda.

 

Waxaanu hambalyo iyo boogaadin u diraynaa dawlada iyo Xisbiyada Mucaaridka oo dhan iyo Hogaamiyayaashooda oo kala ah:

 

- Mudane: Axmed Maxamuud Siilaanyo

- Mudane: Faysal Cali Waraabe

- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin

 

Waxaad muujiseen hiil geesinimo ku jirto oo aad ugu hiiliseen danta guud ee dalka idinka oo adeegsaday isu tanaasul, dulqaad iyo wadaninimo, kuna dhameeyey wada xaajood khilaafkiinii Siyaayadeed ee dadweynaha Somaliland naxdinta iyo walbahaarka ku riday.

 

Waxa heshiiskani muujinayaa oo uu tilmaan cad ka bixinayaa in ay qaranimadu tahay dan umadda ka wadda dhaxeysa laguna khasban yahay in laga wadda hadlo, laga wadda xaajoodo, la isu tanaasulu, la isu dulqaato, waxaanay intaasiba hormood iyo hogaan adagba u tahay hanaqaadka wadada dumuqraadiyada ee adduunku inagu amaanay, iyo mawqifka ummada Somaliland dooneyso in ay ka midho dhaliso .

 

Bulshadda Somaliland caado soo jireen ah ayay u lahayd inay wada hadal iyo isu tanaasul ku dhamaysato khilaaf kasta oo ku yimaada dhexdeeda iyada oo aan u baahan in ay qaylo dhaan u dirato cid kale oo Somaliland ka baxsan. Taasina waa Gundhiga ugu weyn ee aasaasiga u ah guulaha maanta ummaddu hadhsanayso ee lagu faani karo.

 

Waxaanu ugu baaqaynaa Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadaba inay hirgaliyaan qodobada ay ku heshiiyeen, isla markaasna ay ka taxadiraan inay mar kale khilaaf siyaasadeed dalka geliyaan, taasoo sumcad darro usoo jiidi karta geedi socodka dimuqraadiyadeed ee dalka Somaliland ku socdo, madaama maanta il gooni ah iyo fiiro gaar ah lagu eegayo sida geedi socodka dumuraadiyada ee doorashada soo socotaa u noqon lahayd doorasho xalaal ah.

 

Waxaanu sidoo kale hambalyo uga soo jeedinaynaa dadweynaha reer Somaliland oo dulqaad, nabadgelyo, wadaninimo iyo isku duubni muujiyay mudada uu khilaafka siyaasdeed ka jiray dalkeena.

 

Waan in la ogaadaa Ummada Somaliland ayaa mudnaanta koowaad leh. Taariikhduna way xusi kuwii ummadaa u hiiliya xilligan xaasaasiga ah ee ay ku jirto.

 

Wa bilaahi Towfiiq

Guul iyo Gobanimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

The agreement has been officially signed by the parties today in Maansoor hotel. A ceremony was held for the occassion with the presense of representatives from some countries, Donors, civil society and others.

 

More news to come ..................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(Qarannews)-Munaasibadd lagu saxeexaayey heshiiskii sideeda qodobka koobnaa ee ay dhawaanta lagu soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee muddada u dhexeeyey xukummadda iyo Asxaabta mucaarik ah.

 

Maddasha saaka lagu sexeexaayey heshiiska oo lagu qabtay Hotel Maan-Soor ee magaaladda Hargeysa, oo wariyaha shabakda qarannews ee Hargysa uga soo waramaa uu joogay, Waxaa ka soo qaybgalay Madaxwayne-ku-Xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, masuuliyiin ka socday saddexda xisbi qaran, Culimo Aw-diin, Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Somaliland iyo marti sharef kale oo aad u badan.

 

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa waxaa uu ka sheekeeyey mar xaladdihii uu soo maray heshiiskani waxaana tilmaamay uu soo maray marxalado adag kuwaas oo uu sheegay in uu dhamaantoodna uu ka soo gudbay maadaama oo maanta la sexeexaayo waxana uu ku qiimeeyey in uu yahay heshiis dhaxal gal ah.

 

Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay maanta u tahay maalin qaran dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba oo ay tahay mid ku farxayaan.

 

Md Yaasiin waxaa uu ka hadlay xaga sharciga oo uu sheegay in dhamaaba shuruucda doorashooyinka la sameeyey 2001-dii islamarkaana loo baahan yahay in wixii xeerkaas ka khaldan la saxo. Waxa uu intaa raaciyey Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin in ay lagama maarmaan ay tahay in la isku daro.doorashooyinka labadda gole baarlamaan iyo tan golaha degaanka isaga oo xusay in aanu wadanku qaadi Karin sanad kasta doorasho in la galo oo aan dhaqaale loo hayn. Waxaanu uu ka dhawaajiyey Md Axmed Yuusuf Yaasiin in maanta uu dalku ku jiro xaalad adag oo dhaqaale oo wax kastaba qaali noqdeen sida shiidaalka iyo cuntadda quutal-daruuriga ah taasina ay culays wayn ku hayso xukumadda sidii ay amuurahaas wax uga qaban lahayd

 

Waxaa uu intaas ku daray in masuuliyiinta Somaliland marka uu khilaaf soo kala dhexgalo ay miiska wadda tashiga iskugu yimaadaan.Taasna ay tahay mida ay soomaalida kale kaga duwan yihiin diiniyan iyo dhaqan ahaanba ay ku nabad iyo caano maashay Jamhuuriyadda Somaliland .

 

Sidoo kale waxaa uu komishanka doorashooyinka u soo jeediyey in ay ku dedaalaan cadaalada oo ay dhexdhexaadnimo u muujiyaan Asxaabta qaranka ku hagaan doorashooyinka oo ay u dhabar adaygaan masuuliyadda culus ee ay qaranka u hayaan

 

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng: Faysaali Cali Waraabe, Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaha Guud Ee Xisbiga talladda haya ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo Gudoomiyaha Gudidda Doorashooyinka Qaranka Md Maxamed Ismaaciil Kaba-wayne dhamaan masuuliyiintaasi waxay si qoto dheer uga warameen heshiiskan kaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid loo baahnaa islamarkaana ay ku farax san yihiin in sidaas lagu soo gabgabeeyo khilaafkii siyaasadeed ee soo jiitamaayey mudda badan.

 

Intaas ka dibna waxaa la sexeexay heshiiskii sideeda qodob ka koobnaa ee hore loogu heshiiyey iyadda oo ay madashan goobjoog ahaayeen masuuliyiin tiro badan iyo dadwayne kaleba

 

Wakiiladii saaka saxeexay heshiiska ee ay u kale igmadeen Axaabta qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka

 

 

1: Xisbiga taladda haye ee UDUB waxaa u sexeexay, Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin

 

2: Xisbiga Mucaaridka ah ee UCIDna waxaa uu sexeexay Gudoomiyaha Eng Faysaali Cali Waraabe

 

3 : Xisbiga KULMIYEna waxaa u sexeexay Gudoomiye ku xigeedka kowaad Muuse Biixi Cabdi.

 

Gudid Doorashooyinkana waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md Maxamed Isamaaciil Kaba-Wayne

 

 

 

Qodobadda saaka la kale sexeexdayna waa ku wan hoose ku qoran

 

In dib loo dhigo doorashada Golaha Deegaanada oo la soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada.

In Diiwaangelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu dhigay Doorashada Golaha Deegaanka.

In Komiishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga Doorashada Madaxtooyada, Diiwaangelinta kadib.

In Doorashada Madaxtooyadu ay ka soo hormarto 06/04/2009.

In Qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi Karin Doorashada Madaxtooyada la laalo.

Haddii ay yimaadaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada, waxa xaaladdaas wada jir uga go;aan qaadanaya Komiishanka iyo Saddexda Xisbi Qaran, iyada oo Golaha Guurtiduna u ansixinayo wakhtiga ay isla garteen oo aan waxba lagu darin.

In Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay yeeshaan, isku xidhnaan iyo wada tashi joogta ah.

In Guddida Farsamo ee saddexda Xisbi Qaran ay noqoto guddi Joogto ah, una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumadda iyo Xisbiyada wada shaqeyntooda.

 

 

Wakiiladii hore ee ay igmadeen Saddexda Xisbi Aas-aaska heshiiskan .

 

1. Mudane, Maxamed Ismaaciil Bulaale Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB

 

2. Mudane, Aadan Maxamed Mire (Waqaf) Guddoomiye Xiggeenka Xisbigga UCID

 

3. Mudane, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Guddoomiye Xiggeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE.

 

Guud ahaan dadwaynaha reer Somaliland ayaa si niyadsami ku jirto ku qaabilay sexeexa lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhexeeyey hogaamiyeyaasha dalka waxaanay ku timaameen heshiiskan iyo sexeexiisaba mid huwan sharefta qaranka Somaliland, oo caalamka oo dhami ugu bartay in ay heshiiyaan marka la isku qabto qodobo ka mid ah shuruucda dalka iyo xaga siyaasaddba, taas oo ay Somaliland ku nabad iyo caano maasha oo ay kaga duwan tahay jaarkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobadda saaka la kale sexeexdayna waa ku wan hoose ku qoran

 

In dib loo dhigo doorashada Golaha Deegaanada oo la soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada.

In Diiwaangelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu dhigay Doorashada Golaha Deegaanka.

In Komiishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga Doorashada Madaxtooyada, Diiwaangelinta kadib.

In Doorashada Madaxtooyadu ay ka soo hormarto 06/04/2009.

In Qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi Karin Doorashada Madaxtooyada la laalo.

Haddii ay yimaadaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada, waxa xaaladdaas wada jir uga go;aan qaadanaya Komiishanka iyo Saddexda Xisbi Qaran, iyada oo Golaha Guurtiduna u ansixinayo wakhtiga ay isla garteen oo aan waxba lagu darin.

In Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay yeeshaan, isku xidhnaan iyo wada tashi joogta ah.

In Guddida Farsamo ee saddexda Xisbi Qaran ay noqoto guddi Joogto ah, una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumadda iyo Xisbiyada wada shaqeyntooda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this