Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri guddiga doorashada ee uu magacaabay Madaxweynaha Jubbaland ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin/ Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddi doorasho iyo dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magacaabay guddiga doorashada dadban ee maamulkiisu uu qorshaynayo inuu dhowaan ka qabto deegaanada uu ka arrimiyo, xilli arrintaasi ay tahay qodobka ugu weyn ee gun-dhigga u ah xiisadda dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Magacaabista guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loo arkaa tillaabo uga sii daraysa khilaafka labada dhinac, waxayna ku soo beegantahay xilli inta badan xildhibaanada iyo Senator-rada laga soo doorto deegaanada maamulkaasi ay ku suganyihiin magaalada Kismaayo.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay guddiga uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha lagu yiri” Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta hannaanka dimoqoraadiyadeynta heerarka kala duwan ee Dowladnimada dalka si dadka Soomaaliyeed awood loogu siiyo in ay iyagu doortaan madaxdooda”.

Iyadoo taas laga amba qaadayo wuxuu hoggaanka Dowladda Federaalku wadatashiyo qoto dheer la yeeshay madaxda maamulada dalka, waxayna ku guuleysteen in ay dib u eegis ku sameyaan Dastuurka Qabyada ah, taas oo Baarlamaanka Federaalku uu si aqlabiyad ah ku ansixiyey cutubyo ka mid ah”.

Sidoo kale war saxaafadeed oo dheeraa ayaa lagu sheegay in golaha Wadatashiga Qaranku muddadii uu jiray, uu ku guuleystay in heshiisyo muhiim ah uu ka gaaro arrimo masiiri ah, oo ay ka mid yihiin heshiiska qaab dhismeedka nabad-gelyada qaranka, heshiiska hannaanka federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka, heshiiska wadaagga awoodaha heerarka dowladda, iyo heshiiska nidaamka cadaaladda, taas oo fududeysay in uu dalku guulo waaweyn ka gaaro dhinacyada la dagaalanka argagixisada, dhameystirka dastuurka iyo maqaamka qaranka ee fagaarayaasha caalamka.

Sidoo kalena uu golaha Wadatashiga Qaranku dardargeliyay hannaanka geedi socodka dowlad dhiska iyo dimoqoraadiyeynta dalka, islamarkaana la gaaray heshiisyo dhaxal gal ah oo dalka looga saarayo nidaamkii doorashada dadban, laguna gaarsiinayo nidaamka doorashada tooska ah oo ku dhacda hannaan dimuqraadiyadeed oo xor iyo xalaal ah.

” Sida la wada ogyahay, Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaan waxa uu ka mid ahaa xubnihii go’aannadaas dhaxal galka ah qeybta ka ahaa, door shariif ahna ku lahaa dhamaan hishiisyadii goluhu gaaray mudadii u dhaxeysay Juun 2022 ilaa May 2024, kuwaas oo qeexayey:

1. In la mideeyo doorashada dalka,

2. In la qabto doorasho qof iyo cod ah iyo

3. In la sameeyo hal guddi oo madax-banaan, isku-dhaf ah oo dalka ku hogaamiya inay ka qabsoonto doorasho dadweynuhu si toos ah uga qeyb galaan.
” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladdu.

War saxaafadeed oo luuq adag ku qornaa ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu ku ballan furay madasha wada-tashiga qaranka, umadda Soomaaliyeed, iyo beesha caalamka, islamarkaana uu doonayo inuu qabsado doorasho dadban oo asagu uu ku soo baxo.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha guduhu waxay siyaasiyihiinta, aqoonyahannada, Culumada, iyo guud ahaan dadweynaha Jubbaland ugu baaqday inay difaacdaan hannaanka dimoquraadiyadda, ayadoo sheegtay hoggaamiye Axmed madoobe uu diiday dadaal walba oo xal loogu raadinayo xiisadda taagan.

Tillaabada uu qaaday hoggaamiyaha Jubbaland iyo war saxaafadeedka aadka u adag ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga jawaabtay ayaa muujinaysa in khilaafka labada dhinac uu gaaray meeshii ugu xumayd, lamana oga halka ay xaaladdu ku dambayn doonto.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this