Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo heshay qoondada ugu badan ee miisaaniyadda DF + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Shuute-iyo-liibaan-cali-Yarow.jpg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Onine) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa qoondada ugu badan ee Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeelatay marka la barbardhigo maxkamadaha kale sida tan Sare, tan Gobolka Banaadir iyo midda racfaanka.

Qoondada Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Miisaaniyadda ku leedahay waa $3,740,000 halka Maxkamadda ku xigta ee tahay tan Sare ee Dalka oo loo qoondeeyay $2,715,177, farqiga u dhaxeeya waa $1,024,823.

Maxkamadda saddexaad ee qoondada ugu badan ka heshay Miisaaniyadda waa kan Gobolka Banaadir, $2,312,104 Doollar ayaa u diiwaangashan, halka tan racfaanka qoondadeedu tahay $1,194,399 waxaana Guddiga Adeegga Garsoorka ku baxaya qoondo dhan $195,192.

Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala badan qoondada Miisaaniyadda guud ee dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo howsheedu tahay xukun ku ridista Dadka ku eedeysan dambiyada kala ee salkeedu ku dhammaanayo ciqaabka Ciidanka sida Ciidamada Qalabka sida, iyo Kooxaha hubeysan.

Xigasho: Mustaqbal

The post Maxkamadda ciidamada oo heshay qoondada ugu badan ee miisaaniyadda DF + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this