Deeq A. Posted November 9, 2024 Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamulkaasi, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda. Howlgalkan oo ay qaadeen ciidanka Guutada Birjeex ee Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa lagu beegsaday xubno isku aruursanayay aagga deegaanka Lagta-Caanoole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac. Taliyaha Guutada Birjeex Korneel Cabdikaafi Dayib oo ka warbixiyay howlgalka ay qaadeen ayaa sheegay in khasaare lixaad leh ay u gaysteen Al-Shabaab, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka. Dayib ayaa shaaca ka qaaday in inta uu socday howlgalka ay khaarijiyeen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, ayna dhaawaceen tiro kale oo intaasi kasii badan. Xaaladda deegaannada uu dagaalka ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada maamulka Jubbaland. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa howlgallo culus ay ka socdeen gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu xoreeyay deegaano ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Hoos ka daawo:- The post Al-Shabaab is urursanayay oo jab culus la gaarsiiyay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites