Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka u dhaxeeya Muuse Biixi iyo Sayalaci oo maraaya halkii ugu xumayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaaf xoogan ayaa mudooyinkii la soo dhaafay u dhaxeeyay madaxweyne Muuse Biixi iyo ku xigeenkiis Cabdiraxmaan Saylaci.

Khilaafkani waxa uu salka ku hayay markii uu Mr Saylaci saluugay habka uu Muuse Biixi dalka u hogaaminaayo iyada oo uu awoodii sharciyeed uu lahaa madaxweyne ku xigeenku uu cunaha iskaga duubay Muuse Biixi, sidoo kale uu dhagaha ka furaystay arinkasta oo uu madaxweynebku xigeenku u soo jeediyo madaxweynaha.

Waxa uu dhawaan Sayalaci u shegay taageerayaashiisa in ay u codeeyaan isbedelka taasi oo dibada keentay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya labad hogaan ee dalka ugu sarreeya.

Waxa uu Muuse Biixi si toosa maanta u weeraray Sayalaci isga oo ku eedeeyay in uu iibsaday ururka Barwaaqo oo uu dhisaayo, arinkaasi oo aanu ilaa hada uuna ka jawaabin Saylaci waxa ay u eegtahay in dagaalka dibadda u soo baxay ee u dhaxeeya Muuse Bikxi iyo Saylaci uu bilaabay Muuse isla markaasina ay labadoodu kala dhaqaaqeen xili adag.

Muuse Biixi ma aha nin ummadda hogaamin kara iyada oo intii uu dalka madaxweynaha ka ahaa uu ku riday god dheer oo loo baahanyahaynin laga badbaadiyo waxa soo hadhay.

Muuse waxa lagu xasuusan doonaa madaxweynahii dagaalka ku qaadday madaxweyne ku xigeenkiisii ee qadarun waayay, sidoo kale dalka galiyay nolol qalafsan oo ay maanta shicibku u baahanyihiin gurmad degdeg ah.

Reer Awdal waxa la gudboon in ay u codeeyaan isbedlka dalka oo ay maanta iyagu qayb ka yihiin cida bad baadin karta oo codkooda siiyaa misharax Cabdiraxmaan Cirro iyo ku xigeenkiiss Maxamed Cali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this