Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u shaacisay in Ciidamada Itoobiya laga reebay Hawlgalka cusub ee AUSSM

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731143588011.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u shaacisay in Ciidamada Itoobiya laga reebay Hawlgalka cusub ee Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee African Union Support and Stabilization Mission (AUSSM).

Wasiirka Difaaca dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Hawlgalka cusub ee AUSSM laga reebay Ciidamada Itoobiya, kadib markii Xukuumadda Addis Ababa ku xad-gudubtay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca oo wareysi kooban siiyay Telefishinka dowladda Soomaaliya ee SN-TV ayaa sheegay in Hawlgalka AUSSM ee beddelaya ATMIS bilowga Sannadka 2025 aysan ku jirin Ciidamada Itoobiya, taasina sababteedu tahay Xad-gudubka Addis ababa ku samaysay Madax-bannaanida dalka.

“Ciidamada Itoobiya si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabaya horaanta sannadka 2025-ka, sababto ah Itoobiya waxay kusoo xadgudubtay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSM) ayaa ku yimid codsi ay dowladda Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in kaddib bixitaanka ATMIS la helo taageero kumeelgaar ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u shaacisay in Ciidamada Itoobiya laga reebay Hawlgalka cusub ee AUSSM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this