Sign in to follow this  
Emperor

Another battle front, Alshabaab take on Hiiraan as Bulo-Barde falls

Recommended Posts

Emperor   

Xoogaga xarakada Al Shabaab oo la wareegay mid ka mid ah degmooyinka G/Hiiraan oo ay horey u joogeen maxkamadaha Islaamiga

 

Ciidamo taabacsan xarakada Islaamiga ah ee Al shabaab ayaa saaka waaberigii la wareegay gacan ku heynta degmada Buulo Burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay horey gacanta ugu hayeen maamulkeeda ciidamada Midowga maxkadaha Islaamka ee haatan maamula inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya iney arkayeen ciidamada xarakada Al-Shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo saaka waaberigii soo galay halkaasi, kuwaasoo gaaf wareegayey wadooyinka degmadaasi iyagoo sidoo kalena ku sugnaa xarunta maamulka degmada iyo saldhiga ciidanka booliska intaba, waxaana dadku ay sheegeen in ciidamada midowga maxaakiimta ee halkaasi ku sugnaa sugnaa iyo maamulkii iyaga hoos imanayey ay ka baxeen degmada iyadoo illaa hadda aan la ogeyn halka ay qabteen.

 

Degmada Buulo Burde ayaa noqoneysa degmadii ugu horeysay ee ka tirsan gobolka Hiiraan ee ay la wareegaan xoogaga Al-Shabaab, taasoo horey ay gacanta ugu hayeen xoogaga Midowga maxaakiimta Islaamka, waxaana arintani ay ku soo beegmeysaa xili xoogaga Al-Shabaab ay la wareegeen fariisiimida ciidamada maxkamadaha ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ka dib muddo afar cisho ah oo uu dagaal lagu hoobtay ka socday magaalada lamana oga in arimahan ay xiriir leeyihiin iyo in kale iyo war arintaasi ku saabsan oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Al Shabaab oo ku saabsan degmada Buulo Burde.

 

 

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this