Sign in to follow this  
Deeq A.

Halista Badweynta Hindiya: Kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya oo dib usoo laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanadkan 2024, waxaa soo baxay calaamado muujinaya dib-u-soo laabashada burcad-badeednimada Soomaaliya, iyadoo dhowr weerar iyo afduubyo ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa soo saaray digniin bishii Oktoobar, oo ku saabsan 13 qof oo hubeysan oo ka ambabaxay magaalooyinka Ceel Huur iyo Hobyo – oo ah goobo horey loogu yaqaanay burcad-badeedda.

Weeraradan iyo afduubyada kusoo noqday xeebaha Soomaaliya waxay muujinayaan in kooxaha burcad-badeedda ay weli ka faa’iidaysanayaan amni darrada iyo xaaladaha dhaqaale ee dalka ka jira.

Weeraradaasi waxay soo celinayaan xusuusta dhibaatadii burcad-badeednimada ee hore u soo gaartay maraakiibta ganacsi iyo kaluumaysiga ee marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Hase yeeshee, ilaa iyo hadda ma jirto xaqiijin cad oo muujinaysa in heerka burcad-badeednimada uu dib ugu laaban doono meel u dhow heerarkii sare ee 2008-2012.

Sababaha Dib-u-Soo Laabashada Burcad-badeednimada

Dhibaatada burcad-badeednimada Soomaaliya waxaa saldhig u ah xaaladaha dhaqaale iyo bulsho ee dalka, oo ay ku jirto kalluumaysiga sharci-darrada ah ee maraakiibta shisheeye ay ka sameeyaan biyaha Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kalluumaystada, ayaa inta badan la daalaa-dhacaya xaalado adag oo ay ka mid tahay la’aanta fursado dhaqaale oo sugan iyo awood la’aanta ka hortagga shisheeyaha ka kalluumaysanaya biyaha Soomaaliya iyada oo aan sharci ahayn.

Fursadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Soomaaliya, oo 2025-26 ku fadhin doonta kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), waxay haysataa fursad ay kaalin muhiim ah kaga qaadato siyaasadda amniga badda caalamiga ah. Soomaaliya waxay isticmaali kartaa fursaddan si ay ugu ololeyso xalka waara ee la dagaallanka burcad-badeednimada, oo ku saleysan amniga badda iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in Soomaaliya ay u yeerato caalamka si ay uga qaybqaataan dadaallada looga hortagayo burcad-badeednimada iyada oo la abuurayo hab ka hortag ah oo faa’iido u leh bulshooyinka Soomaaliyeed iyo maraakiibta caalamiga ah.

Doorka Turkiga iyo Iskaashiga Cusub ee Amniga Badda

Haddii Soomaaliya ay doorbido inay xoogga saarto taageerada caalamiga ah iyada oo aan loo baahnayn go’aanno cusub oo ka soo baxa Golaha Ammaanka, waxaa suurtogal ah in doorka la siiyo Turkiga oo dhowaan heshiis amniga badda iyo horumarinta dhaqaalaha la galay Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Turkiga inuu tababarro, howlgaliyo iyo qalab badeed siiyo Soomaaliya. Bedelkeedana, Turkiga wuxuu helayaa 30% dakhliga ka soo baxa dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha ee ka socda aagga gaarka ah ee badda Soomaaliya.

Saamaynta Caalamiga ah iyo Mustaqbalka Burcad-badeednimada Soomaaliya

Inkasta oo ay jiraan dadaallo caalami ah oo lagu xakameynayo burcad-badeednimada, hadana xaaladaha sii adkaanaya ayaa keeni kara in kooxaha burcad-badeedda ay dib ugu soo laabtaan xeebaha Soomaaliya,
taasoo saamayn ku yeelan karta amniga maraakiibta caalamiga ah.

Waxaa muhiim ah in Soomaaliya iyo caalamku iska kaashadaan sidii loo heli lahaa xal waara oo wax looga qabanayo dhibaatadan amni ee saameyn weyn ku leh dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this