Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabshado ka dhacay doorashadii dhowaan ka dhacday Mozambuque oo weli socda iyo dad ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabshado ka dhashay doorashadii horraantii bishii oktoobar ka dhacday Moazambique oo murashaxa xisbiga talada haya ee frelimo la sheegay inuu ku soo baxay ayaa weli dalkaas ka socda, kuwaas oo sababay waxyeello baaxad leh.

ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen 66 kalena ay ku dhaawacmeen isku dhacyo dhex maray booliska iyo dibadbaxayaasha diidan natiijada doorashada, sida laga soo xigtay Isbitaallada ugu waweyn dalkaas.

Dhimashada ayaa sii kordhinaysa, ugu yaraan 18 qof ayaana lagu dilay mudaaharaadyada tan iyo 9-kii Oktoobar, waxaana laga cabsi qabaa in waxyeelladu ay intaas ka sii badato, maadaama ay rabshaduhu weli socdaan.

Kooxaha qaar ayaa sheegaya in tirada dhimashadu aad uga badantahay in la ogyahay , iyadoo Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Mozambique ay sheegtay 34 qof oo dhimasho ah.

Dibedbax dhacay Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee abid lagu arko Mozambique, kaas oo looga soo horjeedo Frelimo, oo ah xisbiga soo xukumayay dalkan ku yaalla koonfurta Afrika tan iyo sanadkii 1975, waxaana lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadii bishii hore.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this