Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dad ka soo jeeda hal beel iyo nabadoonkooda oo lagu laayey Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   
Xudur.jpg?fit=720%2C405&ssl=1

Xudur (Caasimada Online) – Dad badan ayaa maanta lagu dilay rabshado ka qarxay degmada Xudur ee gobolka Bakool, dadka dhintay waxaa kamid ah nabadoon caan ah oo ka soo jeeday beesha tabashada qabta.

Khilaafka sababay rabshadaan maanta dadku ku dhinteen ayaa ka bilowday go’aankii maamulka Cabdicasiis Laftagareen ku kala diray maamulkii iyo golihii deegaanka ee degmada Xudur.

Dad u badan hal beel oo ka horyimid go’aanka Laftagareen ee lagu kala diray golaha deegaanka, kuna doodaya in Cabdicasiis Laftagareen uu doonayo in dad taabacsan uu halkaas geysto ayaa lagu xiray saldhigga degmada Xudur.

Dad kale oo careysan oo nabadoonkii beeshaas uu ku jiro ayaa maanta tegay saldhigga, balse waxay rasaas toos ah kala kulmeen askartii joogtay Saldhigga, dad badan ayaa ku dhintay halkaas.

Xaaladda degmada Xudur ayaa kacsan, waxaana ka qaraxday xiisad colaadeed, xili degmadaas aysan laheyn wax maamul ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Xudur.

Maamulkii uu kala diray Laftagareen ee Xudur ka dhisnaa ayaa dhowr toddobaad ku kacay ‘qiyaano qaran’ kadib markii ay abaabuleen banaanbaxyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay inay dalka ka saarto dhamaadka sanadkaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in xiligaas uu ka dambeeyey abaabulkaas, balse markii dambe wuxuu ku kaarta baxay oo kala diray maamulkii uu adeejiyey ee soo abaabulay banaanbixii lagu taageeray Itoobiya ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka xumaadeen.

The post Xog: Dad ka soo jeeda hal beel iyo nabadoonkooda oo lagu laayey Xudur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this