Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo qirtay in uu lee yahay diyaarad ku dhacday degaan ka tirsan Shabeellaha Hoose oo ay Al-shabaab maamusho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa maanta oo Jimce ah xaqiijisay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-1C oo Mareykanku lee yahay ku dhacday degaanka Farsooley ee gobolka Shabeellada hoose 5 bishan November.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo loo soo gaabiyo (AFRICOM) ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaraddaasi dhacday uu Mareykanka lahaa.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inan weli la aqoonsan ciladda keentay diyaaradan in ay dhacdo, balse waxaa la sheegay ina ysan jirin caddeymo muujinaya diyaaradan in la soo riday.

Diyaaradda MQ-1C, oo sidoo kale loo yaqaan ‘Grey Eagle’, ayaa qiimo ahaan joogta $21 milyan oo dollar , waana diyaarad joogga hoose ku socota , oo loo adeegsado howlgallada ilaalinta iyo sahaminta.

Degaanka ay diyaaradan ku dhacday ee Farsooley, ayaa ah tuulo ay maamusho kooxda Al-shabaab oo qiyaastii 130 km dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

FB_IMG_1731073703937.jpg?resize=720%2C44

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo qirtay in uu lee yahay diyaarad ku dhacday degaan ka tirsan Shabeellaha Hoose oo ay Al-shabaab maamusho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this