Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730979045277.jpg?resize=720%2C48

Golaha Wasiirada Puntland ayaa Maanta oo Khamiis ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025.

Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

“Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 waxaa ay Miisaaniyadu  korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024” ayay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada ee Khamiistan ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Wax-ka-bedel lagu sameeyay Xeerka Xabsiyada Puntland oo ay Golaha la wadaagtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this