Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adaha Xuquuq aadanaha Itoobiya oo sheegtay inay baarayso Xasuuq ka dhacay dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in ay baarayso dil wadareed loo geystay 48 qof, kuwaas oo lagu toogtay gobolka Oromia ee rabshadaha ay ka socdaan, waxayna eedda falkan dusha ka saartay jabhadaha halkaas ka dagaalamaya.

Weerar oo ay fulisay Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo ah mid Addis-Ababa ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayaa toddobadkii tegay ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda, sida uu sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC).

Ugu yaraan 48, oo uu ku jiro mas’uul degmo, ayaa la dilay.

“Xaaladda aagga hadda aad ayay u kacsan tahay,” ayay tiri Ato Badassa, oo ah madaxa gobolka ee ee hay’adda EHCR ee dowladda xiriirka la leh, balse ka madax-banaan, sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka AFP.

Xaaladda Itoobiya ayaa ah mid cakiran, dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo jabhadaha hubaysan ayaana inta badan gobollada dalkaas ka socda, balse maamulka Abii Axmed ayaa dadweynaha ku mashquulinaya hardanka gobolka geeska Afrika, iyo arrimaha badda-cas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this