Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Magaalaynta ee ka socda Qaahira

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa la soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah oo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Elmi Mahamoud Nur, uu la yeeshay madaxda qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa ka qeyb galay Shirka Magaalaynta Adduunka ee ka socda Qahira, Masar.

Kulamadaasi oo gaar-gaar ah ayaa wuxuu Wasiir Elmi ku kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), gaar ahaan Qaybta Xalka Waara, Madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka, iyo Wasiirka Wasaaradda Guriyeynta & Horumarinta Dhulka ee dalka Morocco.

Wasiir Elmi ayaa madaxda kala duwan ee uu la kulmay kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda Hawlaha Guud iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda iyo hay’adahaasi si loo dardargeliyo mashruucyada dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this