Deeq A. Posted November 7 Golaha wasiirrada xukuumadda Faederaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii manta diiradda ku saaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, iyo lacag dhaqista. Golaha Wasiirrada oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Qiimeynta Qaranka ee la-dagaallanka kooxda Alshabaab iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta. Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab iyo Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029). Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites