Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ay dowladda Jabuuti ka wada-hadleen Amniga Gobolka Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1730964895545.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku tegey dalka Jabuuti oo qeyb ka ah dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Socdaalka waxaa Wasiirka ku weheliyay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka (CXDS).

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka warbixinayay Socdaalkiisi Jabuuti ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta dalkaasi ka wada-hadleen Amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025” ayuu yiri Wasiirka.

Socdaalkaasi Jabuuti ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ay dowladda Jabuuti ka wada-hadleen Amniga Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this