Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu Civilians are coming back home..

Recommended Posts

Shacabkii ka soo qaxay Muqdisho oo bilaabay In ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho

 

,Shacab aad u fara badan oo ka soo qaxay guryahooda una badan haween iyo Caruur ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho oo ay Dagaaladii ka soo barakiciyeen .

 

In ka badan ilaa 35 gawaarida loo yaqaan Homy ayaa maanta oo kaliya ka soo baxay Magaalada Jowhar oo ay in mudo ah ku sugnayeen iyadoo maciin biday in ay iska tawakalaan Magaalada Muqdisho oo laba maalin ka hor dagaal ugu danbeysay ,

 

 

Dadkaan ka soo barakacay Muqdisho ayaa intooda badan waxaa ay magaalada ku joogeen darxumo baahsan marka laga reebo xoogaa fara kutirs ah kuwaasi oo iyagu horay u watay xoogaa lacago ah , Maamulkii hoos tagi jiray Max,ed dheere oo aan wali Dowlada ka wareejin Shabeelaha Dhexe ayaa qaakii ugu liitay Dajiyay xeerooyin ay ka mid yiihiin xaruntii hore ee xiriirka Shaqaalaha , Wakaaladii hore ee biyaha kuwaasi oo aaneysan jirin cid wax u qabatay marka laga fiiinayo dhinaca bani,aadanimada waxaa ayna heleen maro kaneecooyin ay u qeybisay Hey,ada dhinaca caafiimaadka sida aadka ah ugu muuqato Gobolkan Shabeelaha Dhexe gacantana ku heysa Cisbitaalka Gobolka ee INTERSOS.

 

 

Shacabka qaxootiga ah ee iminka ku jira xeryahaasi ayaa waxaa ay fiil u galaan quudin ay u bilaabeen Uruurka Haweenka degmada Jowhar oo u wadi doono ilaa 10 Maalmood .

 

 

Dadkani ku jira xeryaha qaxootiga Degamada Jowhar oo u badan Haween iyo Caruur ayaa waxaa heysta iminka Macluul tii ugu badneyd , waxaana sidoo kale jira qoysas aad u tiro badan kuwaasi oo ciirsaday dhinaca Wabiaga Jiinkiisa Tuulooyinka ku teedsan waxaa ayna qaarkood ku nool yihiin Canbo cagaara ah sida uu Somaliweyn u xaqiijiyay Gudoomiayah Tuulada Geedo Birkan Max,ed Hiloowle ayaa SomaliWeyn u Xaqiijiyay Nolosha Qaxotiga h ee jooga Tuulada Geedo birkaan.

 

 

Ma ahin oo kaliya halka ay dadka qaxootiga ay ku macluulsan yihiin tuulada GeedoBirkaan waxaa kaloo jira tuulooyin aad u fara badan kuwaasi oo intooda badan iyana ku teedsan Wabiga jiinkiisa oo aysan jirin Hey,ad gaartay ama isku Taxluujisay wax u qabashada Qaxootigaasi.

 

 

Guud ahaan Nabadoonada tuulooyinkaasi ayaa waxaa ay si wada jira u dhaleeceeyeen Hey,adaha ka howl gala Gobolka iyagoo ku tilmaamay in qaarkood aysan si wanaagsan aysan waxba ugu qaban umada ku dhibaateysan Gobolka oo ay gacmahooda isu dulsaaran yihiin.

 

 

C/kariin Cumar Macalin (Aaloos)

 

SomaliWeyn Jowhar Office

 

Aaloos5@hotmail.com

 

Aaloos1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this